MENU

Invest In Your Marriage Course

01/05/2016 • Current Post

Assalamu calaykum waraxmattullaahi wabarakaatuh.

Bismillah.

Waxaa masjidka Rabitada ka bilaabmaya koorsada magaceedu yahay “Invest in Your Marriage” maalgasho guurkaaga. Koorsadan waxaa loogu talagalay da’yarta ku talojirta inay guursadaan ama dhawaan isguursaday ama baadigoobka ku jirta.. Koorsada waxaa lagu baranayaa casharro dhawr ah sida:

1. Mabaadi’da qoyska muslimka ahi ku taagan yahay
2. Isla fahanka nolosha xaasnimo
3. Personality test, barashada naftaada, kumaad tahay adigu cilminafsi ahaan.
4. Axkaamta iyo fiqhiga nikaaxa (shuruudaha, arkaanta nikaaxa, khidbada, furniinka iyo noocyadiisa, waajibaadka iyo xuquuqda lamaanuhu isku leeyahay)
5. Marxaladaha kala duwan ee ay nolosha xaasnimadu marto.
6. Kobcinta kalgacalka lamaanaha.
7. Sidee lagu xushaa lamaanahaaga mustaqbalka
8. Sababaha keena qoys burburka iyo ka hortagidooda
9. Xallinta khilaafaadka iyo go’aan qaadashada haboon
10. Waxaa ku jir toban saacadood oo self study ah homework, shaqo guri.

Waxay soconaysaa afar galbood oo ah:

Ti.-ke. 10-11.05.16. Klo. 16.30-19.30
Ti.-ke. 17-18.05.16. Klo. 16.30-19.30.

Waxaa loo qaadanayaa koorsada 5-7 lamaane. Isugayn 10-14 qof.
Si dhalhso ah isu soo diiwaangeli. Qiimo dhimis kadib feeda koorsadu / Osallistumisen omavastuu

100 euro/ family
50 euro/henkilö

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala soo xidhiidh macalin Abdirahman info@usra.fi
الدال على الخير كفاعله

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

« »