MENU

Aqoon iyo waayo-aragnimo kala korodhsiga bulshada

19/04/2016 • Current Post

Bismillah, walxamdullilah wassalaatu wassalamu cala rasuulillaahi

Dhamaanba dadka kharyka jecel ee danaynaya inay wax wanaagsan ka gaystaan wanaag ka talinta iyo wadajirka qoyska muslimka ah, waxaa la idin wargelinayaa in xarunta dhalinyarada ee Kallahden Nuorisotalo ee ku taalla xaafada Vuosaari, lagu qaban doono, hadii Ilaahy swt. idmo seminaar ku saabsan arimaha qoyska muslimka ah ee ku nool Finland maalinta axada ah su. 24.04.2016. klo. 14.30-19.00.

Seminaarka barnamijkiisu wuxuu ka koobnaan doonaa: iska wacyigelinta iyo is xasuusinta mabaadi’da islaamka ah ee qoyska muslimka ahi ku taagan yahay, aqoon iyo waayo aragnimo kala korodhsi, ka wada hadlid arimaha ajankohtainenka ah ee bulshada haysta, da’yarta iyo sidii waalidku ugu hagi lahaa dariiqa wanaagsan ee lagu dhisto ama samaysto qoys.

Waxaa la idinka codsanayaa in khayrka iyo wixii wanaagsan ee khuseeya bulshada muslimka ah iyo diinta islamka ah , inaad faafisaan. In qoys kastaa uu qoys kale sabab u noqdo inay yimaadaan oo ay ka soo qaybgalaan dhacdadaas.

Sidoo kale waxaa laga codsanyaa qofkii kasta ee fikrad wanaagsan haya, oo ay dan u ah qoysaska in uu nalaga soo qaybqaato barnaamijka.

الدال على الخير كفاعله

Paikka: Kallahden Nuorisotalo Vuosaaressa

Päivä: su. 24.04.2016. Klo. 14.30-19.00

Xidhiidhka

Abdirahman Mahmuud

0442147721

info@usra.fi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

« »