Tayaynta iyo Wacyigelinta Qoyska
Assalamu aleikum warahmattullaahi
Akhyaarta khayrka badan waxaa la idin wargelinayaa in sabtida soosocota ee bishu tahay 16.04.16. Klo. 14.00-19.00 masjidka Rabitada lagu qaban doono seminaarkii 15aad ee arimaha qoyska ku saabsanaa. Waxaa marti noogu ah dad finnish ah oo aqoon u leh arimaha laga hadlayo oo ka socda magaalada Helsinki.
Waxaa kaloo marti noogu ah masuul ka socda muslimiinta Tataarka ee iyagu muddada boqolka sanadood ka badan degenaa Finland, oo nooga warami doona sidii ay diintooda, dhaqankooda iyo luqadooda ay ku ilaashadeen iyo weliba waayahooda. Waxaa kaloo ku jira barnaamijka waalidiin ka qaybqaatay vertaistukiryhmät la magac baxay “Aqoon iyo waayo aragnimo kala korodhsi” oo noosoo bandhigi doona wixii ay ka faa’idaysteen.
Ka soo qaybgal wacan.
الدال على الخير كفاعله.
« Perhe ristiriitojen sovittelu toiminta Aqoon iyo waayo-aragnimo kala korodhsiga bulshada »