MENU

Invest in Your Marriage – Maalgasho Guurkaaga

27/04/2015 • Current Post

Suomen Muslimiperheet ry -USRA, waxay bilaabaysaa koorso ” Maalgasho Guurkaaga”, oo socon doonta afar galbood maalmaha ke,to. 06-07.05.2015 iyo ke,to. 13-14.05.2015. klo. 16.30-20.00. isugayn 15 saacadood. Koorsadan waxaa loogu talagalay dhalinyarada dhawaan isguursatay ama ku talojirta inay isguursadaan. iyo weliba ciddii kale ee xiisaynaysa.

Koorsadu waxay ka koobnaan doonta sadex qaybood oo kala ah:

Module 1: Ujeedoyinka guurka, qeexida guurka islaamiga ah, yaa guursankara, sida lagu raadiyo ee lagu helikaro lamaanahaaga mustaqbalka, xulashada lamaanahaaga mustaqbalka, barashada naftaada-personality test, kala duwanaanshaha ninka iyo gabadha.

Module 2: Fiqhiga asaasiga ah ee guurka, fiqhiga furiinka iyo noocyadiisa, kalmadaha iyo hadalka saamaynta kuleh furiinka, cahdiga-heshiika nikaaxa, ruuxa dumarka ahi weli la’aan ma guursankartaa.

Module 3: Luqada jacaylka iyo kobcintiisa, sababaha keena khilaafka iyo burburka qoysaska, qaabka loo xalliyo khilaafaadka, sida loo wadahadlo, sida loo xakameeyo-kontoroolo cadhada.

Inta ay koorsadu socoto waxaa la isu dirayaa shaqoguri-läksyt. Wiigii waxaa looga baahan yahay inuu qofku soo akhriyo ama soo dhagaysto 5-10 saacadood wixii la isu diray. Koorsadu markay dhamaatana waxaa la iska qaadayaa imtixaan.

Qofkasta oo doonaya inuu ku dhex noolaado nolol xaas ahaaneed oo degen, kalgacal iyo jacayl leh, raaxo, kaladambay, isqaderin iyo inuu yeesho, oo uu soosaaro ubad-caruur wanaagsan, waxaa ku waajib noqonaya inuu qaato koorsadan.

Koorsada waxaa loo qaadanyaa 14-20 qof ( 7-10 lamaane). Waxaana muhiim ah in labada qofba (ninka iyo xaaskiisu) isa soo raacaan oo wada qaataan koorsada. Qoyskii leh caruur yar yar waa loo haynayaa ilmihiisa yar inta xiisaduhu socdaan.

Koorsada qiimaheedu-osallistumismaksu, iyadoo la jebiyey -tarjous ah waa 30 euro/qoys. 

Fadlan is diiwaangeli adigoo emailkan info@usra.fi ku soo diraya macluumaadkaaga sida:

Magacyadiina, da’diina, goortaad is guursateen haddii aad xaas tihiin, ilmo yar oo aad hore u soo wadanaysaan haddii aad leedihiin, luqadaha aad taqaanno ee aad wax ku akhriyi karto sida english, carabi. Ugu dambayn isdiiwaangeli-ilmoittaudu ti. 04.05.15. Goobta koorsadu waa masjidka Rabitada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

« »